War Deg Deg Ah:Beesha Caalamka Oo Dhambaal Digniin ah U dhiibtay Qoor-Qoor laftagareen iyo Guudlaawe.

Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa xalay uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho kadib markii ay shir gaar ah kula yeesheen xarunta QM ee Xalane.

Sida aan xogta ku helnay, shirkaas ayaa looga wadahadlay sidii loo badbaadin lahaa fashilka ku yimid wada-hadalladii loogu gogol xaarayey shirweynaha wadatashiga ee xalka looga gaarayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa Khaatumonews u xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, HirSharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda..

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.

2 Comments

  1. ina waamo muwaadiniinta sharafta leh afkaaga kajeedi maqaxaad rabtaa jareerta kiinya inay dalkooda ubaabiyaan oo ay qaataan shilimo dhamaanayo sida madoobe oo kale ama daalka deni
    mawaxaase dhib ah inaad kala kaxayso qaranimada oo lawada shaqayn waayo maya maya taasi waa aragtidaada liidata ee gaalo doonka ah iyo alle kafogaansho alle u toobadkeen doqonyohow aan caqliga lahayne

  2. ILMO GAREEN ( LAFTA GAREEN, QOORTA GAREEN IYO GUUDKA GAREEN), WAXAY AHAYD IN LA ISKA FASAXO WAAYO RAGGAAS WAX ARAGTI AMA COD KUMA LAHA SHIRKA WAXAY U JOOGAAN OO KALIYA MARKA UU HADLO AABAHOOD FARMAAJO IN AY SACBIYAAN OO AY MADAXDA WADA RUXAAN IYAGOO LEH:
    SAX WEEYE SAX WEEYE SAX WEEYE.
    MARKA HALA ISKA FASAXO KUWAAS.

Comments are closed.