War Deg Deg Ah Daawo:-Puntland Oo Hub Culus geysay Gaalkacayo

GAALKACYO – Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dowladda Puntland ayaa boqday Taliska Ciidamada Daraawiishta xerada Siinaay ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Mudane Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Daraawiishta.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Guddiga xog- dheeraad ah ka siiyay Ciidamada daraawiishta, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan dalkooda.

Xerada Siinaay ayaa ah mid ay ilgaar ah ku hayso Dowladda Puntland, waana keydka madaafiicda hubka waawayn ee Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Saciid Cabdullaahi Deni waxaa ka go’an dhisida Ciidamo tayo leh iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka

1 Comment

  1. Geesiyada darawishta nolada.
    Maalin dhow ayay gacanta kuso dhigayan dhaman gobolka sool.
    Deni waa geesi sharfan .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *