Kadib markay soo baxeen Warar Sheegaya in Al-shabaab ay duulaan kusoo yihiin Magaalada Garacad, ayaa waxaa la geeyay Ciidamo dheeraad ah.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Warar xaqiiqo ah oo naga soo gaaraya Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya, in Al-Shabaab ay deegaankaas oo ah xudduntooda ay ka wadaan Abaabul iyo Hub aruursi.
Sida ay ila wareedyada sheegayaan, qorshaha Al-Shabaab waxay duulaan kusoo yihiin Garacad, oo hadda ay ka socoto Mashruuca dhismaha Dekadda.
Taariikh 02 April 2021, wuxuu Wasiir Oomaar is hortaag ku sameeyay duulimaad Diyaaradeed oo ku socday Garacad, oo ay saarnaayeen maal-galiyaal shisheeye oo rabay inay soo qiimeeyaan Dekaddaas iyo Deegaan Oolimadkeeda.
Qorshahan Al-Shabaab waxaa dabada ka riixaya Siyaasiin Soomaaliyeed oo siyaasadaynaya horumarka dalka oo Dhaqaale fara badan ku bixinaya.
Weerarkaan waxba kama duwana Weerarkii Shabaab ee Garacad, Suuj iyo Garmaal 16 March 2016.
Ciidamada kala duwan ee Puntland sida PIS, PMPF iyo Puntland Security Force ayaa heegan buuxa galay.




