War Deg Deg Ah Daawo:Saraakiil Gorgor iyo Danab Ka Tirsan Oo Hargaysa Ka Soo Dagay

Waxaa Magaalada Hargaysa ee Xarunta maamul Beeleedka Somaliland ka soo dagay afar Sarkaal oo kamid ah Ciidamada Danab iyo Gorgor ee Dawlada Fadaraalka soomaaliya.

Saraakiishan oo kamid ah Kuwa Tababarka ku soo kala qaatay Balidoogle oo ah xarunta Mareykanku ku carbiyo ciidanka soomaalia iyo Dalka Turkiga ayaa isu soo diibay maamulka Somaliland

saraakiishan ayaa sheegay in ay uga fa iidaydoonaan Tababarka ay watan Maamulkooda Somaliland.

Dhalinyaradan ayaa hore uga tagay Hargaysa waxayna mudo sanado ah ka shaqeeeenayay Koonfurta soomaaliya.

4 Comments

  1. Waxa la soo caddeeyey inay ciidamada qalabka sida ee Milateriga ka tirsanayeen, balse aanay Gorgor iyo danab ka mid ahayn. Gorgor saraakiisha ugu saraysa waa gaashaanle dhexe, sidoo kale danab sarkaalka haysta waa kii dhawr ka hor ku dhaawacmay miino jidka loo dhigay. Calaa kullin waa saraakiil iska hawlgab ahaa, oo ku ciil qabay maxaa wax la idiinku dhiibi waayey. Ciidamada waxa hogaaminaya dhalinyaro ka soo wada baxay kulliyadaha abaanduulka ee Talyaaniga iyo Turkiga oo khibrad tayo iyo hogaamin leh. Waxa nasiib darro ah in laga been abuurto ciidamada qalabka sida. Ciidamada ilaa 5000 sarkaal oo ka hawl gala hogaanada ciidanka qalabka sida baa ka mushahar qaata, shaqadana waxa qabta dhalinyaro firfircoon oo taagan goobaha dagaalka iyaga iyo saraakiishoodiiba.

  2. Ilaaladii cabdi xaashi sow idinkii Xamar, boodhka ku watey oo mudaaharaadka dhigayey marna cabdi xaashi daba socdey, goormaad ciidanka ku biirteen

  3. Waa dhalin yaro somaliyeed oo awalba si khalad iyo tuugo nimo ah kugalay cidanka xooga dalka somaliyeed.
    Waa jawaawiis uu muuse shani soo dirsaday.
    Maxkamad baa la horgayn dona.
    Muqdisho waa hoyada somaliyeed.
    Somalia 4 sarkaal waxba unoqon mayso

  4. Waa sirdoonkii NiSA maamul goboleed gobolada waqooyi ayaa lagu furfurayaaa ileyn been iyo waxaan jirin baa lagu akhriyey iyo cuqdad uma somaliyeed
    Viva somalia
    Down somalidiidka

Comments are closed.