War Deg Deg Ah:-Shirkii Muqdisho Oo lagu kala kacay

Waxa maalintii labaad natiijo la’aan ku dhammaaday Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida Khaatumonews u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah.

Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeeshay arrimaha ku saabsan ka qayb-galka iyo Ajandaha Shirka guud ee doorashooyinka dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan Qodobadii laga dooday.

Puntland iyo Jubaland ayaa ku dooday in Midowga Murashixiinta laga qayb-geliyo Shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, oo ay si toos ah miiska u fariistaan, halka dowlad goboleedyada kalena ay soo jeediyeen in Midowga Murashixiinta khudbado uun keliya laga siiyo Shirka.

Intaas kadib, dhinacyada ayaa isla gartay in maalinta berrri ah qola kasta gaarkeeda u shirto, islamarkaana saadambe dib la isu’gu soo noqdo, si looga sii doodo Ajandaha iyo ka qayb-galka Shirka guud.

2 Comments

  1. -No deberías beber tanto, imagina la decepción de tu amiguita si luego… ya sabes… -Tranquila, soy perfectamente capaz de cumplir. -No me lo jures. -¿Qué? -Que es fantástico, Lucas. Te felicito por ser tan eficiente. -Bebe-me indicó, más como una orden que como una sugerencia. Cambió su vaso vacío por uno lleno y se lo volvió a tragar de golpe-. Te veo tensa. -No soy yo el que se está bebiendo hasta el agua de los floreros.

  2. deni iyo beermadoobe waa kago an tahay inayan dalkaan doorasho kadhicine yaan lagu daalin waa inay baarlamaanla soomaaliya ku celiyaan natoija la aanta puntiland iyo beer madoobe ku celiya talada.baarlamaanka dalka yaan lagu daalin beermadoobe iyo deni nanka.jilicsanaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *