Deg Deg:Madaxii ugu Sareeyay Ururka Daacish Oo Xaalad Caafimaad Hargaysa u jooga

War aan sugnaanshisiisa la hubin laakiin Aad isu soo taraya ayaa sheegaya in Cabdiqadir Mumin oo ahaa Ninkii aas aasay Daacish-ta Gobolada Puntland oo la jiifa xanuunka Sonkorta Mudo dheer uu Xaalad caafimaad u yimi Magaalada Hargays.


March 12 sanadkan ilaa 20 ayuu joogay Goob ka mid ah Magaalada Hargaysa ayuu sheegayaa qof Dhinaca Amniga ku xeel dheere oo diiday inaan xigano Magaciisa sababa amniga Awgiis ah.


Mumin ayaa xilka Daacish Wareejiyay Sanadkii 2019 markii uu howl-gab noqday markaasi oo Xaalad Caafimaad loo geeyay Magaalada Boorame sida aan ku sheegay Warbixin aan Sanadkaasi qoray.


Hogaamiyaha Daacish xiligan ee Gobolada Puntland waxa Horjooge u ah Nin dhalinyaro ah oo lagu Magcaabo (Faahiye) horayna uga Shaqayn jiray shirkada Xawilada ee Amal Xarunteeda Bosaaso waxana uu ka soo jeedaa Beesha (Dashiishe) ee Harti)


Mumin ayaa ku dhashay Magaalada Qandala ee Gobolka Bari waxana uu ka soo jeedaa Beesha(Cali Saleebaan ee Majeerteen) Dalka Uk ayuu yimi 2005-ilaa 2006-ka hor wuxuu ku noolaa dalka Sweden 1990-Gothenburg)

Warkan ayaa imaanaya xili maamulka Somalland lagu xanto in xidhiidh u la leeyahay ururka alshabaab iyo Daacish ee koonfurta iyo deegaanada Puntland ka Dagaalama.

1 Comment

  1. Man this is what’s up Somaliland forever 1my people sool & sanaag are the Future Somaliland leaders VIVA Somaliland & we wish for the best 4 Somalia- Meel kalooku Xoqxoqotaan meelaha ka doonta

Comments are closed.