Burco iyo Hargaysa Noqday Meesha ugu Taageerada Badan Nabad iyo Nolol Akhriso Warbixin u Qoray Asad Adaani
Xukuumadda NN waa xukuumaddii ugu taageerada badnayd magaalooyinka Burco iyo Hargeysa marka la barbar dhigo xukuumadihii ka horeeyey sida tii Cabdilaahi Yuusuf, Shiikh Shariif, iyo Xasan Shiikh Maxamuud.
Had iyo jeer goorta la dhaliilo Farmaajo iyo xukuumadiisa dadka ugu badan ee difaaca ama u dooda xilligan Burco iyo Hargeysa ayey joogaan, kuwa ugu caansan ee xukuumadda NN shaashada saarana waa rag ka soo jeeda Burco iyo Hargeysa, bulshada ugu badan ee doodda kulul na dhex martana waa xubno ka soo jeeda Burco, Berbera iyo Hargeysa Sir iyo Caadba.
Waxaa iyaguna jira xubno badan oo iyaguna ka soo jeeda Sool iyo Sanaag oo ilaahay amarkii Hargeysa iyo Burco jooga “Somaliland” la jooga madaxdooda isla soo sawira ka shaqaysta galinka horena “Somaliland” duuliya gelinka danbena Farmaajo difaaca.
Rag badan oo kale oo dooddo kulul nagu dhexmari jireen warbaahinta kala duwan oo aad u difaaci jiray gooni isu taaga “Somaliland” hadda si hoose ayey la taliyayaal ugu yihiin madaxda sare ee NN iyagoo qarsoodi door bidaya.
Arrimahaas oo dhan anigu aad ayaan u soo dhaweynayaa waa arrin aan ku taageerayo NN, sii hoobashada fikradaha qaarkood ku yimi “اضمحلال” gaar ahaan fikirkii gooni isu taagu in uu dhalaalo sidii bac dab la saaray waa arrin ay muuqato natiijadeeda bilowga ahi.
Kol haddii dhalin joogta Burco, Hargeysa, iyo Berbera oo reer waqooyi ahi, isla markaana dalka goboladiisa kale jooga sida Muqdisho diyaar u yihiin in ay difaacaan xukuumadda NN iyo Farmaajo, waa arrin ku timi jiil dhan oo is badelay, 33 sanoba jiil cusub ayaa abuurma, waxaanu u soo joogay marxalado badan.
Waxad wadaan tan bad keenten subxanalaah markad itaal daran tahay meel walba wad isku qaada waxba dood ka gali mayo ee waqtiga indhaha idin jeexi doona waa hadad indho ledihin farmaajo nin gabalkisu sii dhacayo weeye maaquuste waa laga quusta ee inoo wada hawsha aynu aragno halka ay idinla gaadhe
Jaalle, nabad iyo nolol waxa lagu wada taageeray waa madax aan soo dhac tegin oo aan ka xoogsanayn shacabka, oo dadka u arka gees ilaa gees min Saylac ilaa Beled xaawo inay wada yihiin hal qabiil oo Somaliyah, dalka u siman yihiin oo og waxa ummadda jebiyey iyo meeshii xumayd ee la gaadhsiiyey iyo qabyaaladii lagu qaybiyey, in lagaga bixi karo Somalinimo iyo hufnaan iyo in dadka loo soo saaro khayraadkooda oo si siman loo wada gaadhsiiyo.
KKKK
Meeshii $$$ bilaash ah aad ka helaysid waa duulinaysa iska daaye waa ku jano tagaysaa.
Kuwa aad moodaysid inay wax duulinayaan, waa niman shaqo tagay. Hargeisa iyo Burco ayay guryo waawayn ka wada dhisteen.
reer woqooyi waxay rabaan hogaamiye fiicane dadxun maahin waa laqaldaye dadbadan ayaa wax ogaaday oo reer hargaysaa waan sooshoweynaynaa shacabkayga reer woqooyi gaar ahaan beesha dhexe oo cuqdad lageliyey walaahi wax .mafahmayysaane waxaa kaxun oocidhib xun dadka xukuma puntiland kii yimaadaaba canbaar leeyahay iyo xaasidnimo iyo gumaysiraac oo ay caankunoqdeen
BEENI RAAD MA LEH