Xog Culus Qodobadii Jubaland iyo Puntland hor dhigen Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Qaabkii uga Jawaabay
Xogihii hoose ee shirkii albaabada loo xidhay iyo Qodobada ay PL iyo JL la soo shir tageen iyo qaabkii jawaabuhu u dhaceen.
Waa in marka 1-aad Hay’adaha Dastuuriga ee Federaalka la qeexaa awooddooda sharciyeed oo Madaxwanhu qoraa warqad hoos u dhigaysa awoodoodda.
Baarlamaaku ma qaadan karo wax go’aamo ah. Wuuse sii shaqayn karaa
Waa in shirka laga soo qaybgaliyaa Guddoomiyiha Aqalka Sare iyo qaar ka mid ah musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Madaxwaynayaashii hore.
Waa in shaqada laga fadhaysiyaa saraakiisha ciidanka qaarkood. Oo markaas shuruudaha ay doodda jeedinayeen dagaal culus kaga socdey Agaga G/Shabeellaha Hoose ku yaalla.
Jawaabaha fadaraalka:
Arimahan Shaqo kuma laha waxa shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan, ee ah doorasho dalka ka qabsoonta, Sharcinna maaha in Maamul Goboleedyadu inay faaqidaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka.
Baarlamaanka iyo haydaha kale ee Dastuuriga ahi waxay ku joogaan sharci.{ Xasuuso Lifaaqii ansixinta QODOB SHARCIYEEDKII 30aad/Law 30}.
Markii shirarkii hore dhacayeen Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Musharaxiinta midkoodna kama soo qayb galin saxiixa 17-kii Sep waxba kumalahayan. Maantana waxaan haysanaa sharci dhamaystiran ee waa in aan isaga dhaqan galinnaa
Shaqa siinta iyo rukhsaynta saraakiisha ciidanka waa shaqo aan u oolin M. Goboleedyada.
waxaan oran lahaa horta dadka hor boodaya maamul goboleedada qaarkood iyo dawladu si bay isu jiidjiidanayaan ma jiraa awood siin dastuurku kala siinayo oo qeexan , ma maamul goboleedada qaarkood baa wada mindi mindi kutaag mise dawlada ayaa ku haysata awood ay iyagu leeyihiin waayo hadii caqliga wanaagsani shaqayn waayo waa inuu jiraa sharci qeexan ,
Su’aal baa hilmaantay oo ahayd Xildhibaanada Khaatumo iyo degaanadaa wuxuu ka aaminsan yahay, wuxuu ku jawaabay Farmaajo kama jawaabi karo su’aashaa waayo dhulkaas waa lagu muransan yahay.
Marka intaad nin kabihii tolaysid kuwaaga ka bilow.