Horjoogaha maamul Beeleedka Somaliland Muuse Biixi ,ayaa qorsheenaya weerar ka dhan ah Magaalada Buuhoodle oo maamulka Isaaq u arkan halka kaliye laga soo afjaraayo Maamulkooda.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Muuse Biix iyo golaha odayaasha isaaq ayaa aaminsan in Buuhoodle tahay halka kaliye dawlada Fadaraalku ka soo galayso Somaliland islamarkaana ay tahay magaalo leh Garoon diyaaradeed oo sahlaya in si fudud ciidaamo dawlada soomaaliya uga soo dajiso.

Shir ay galen Muuse Biiixi iyo xubanha Odayaasha isaaq o Khaatumonews Heshay Xogtiisa ayaa lagu jaan gooyay in Buuhoodle ay tahay lagama maarman in dagdag loo qabto oo gacanta somaliland la galiyo.

Biixi ayaa sheegay hadii Farmaajo soo laabto in ay tahay shaki la aan in uu fara galin ciidan ku samayn doono Meelo somaliland kamid tahay halkan somaliland laga soo galaya ee ugu horeesana tahay Degmada Buuhoodle,

Horjooge Muuse ayaa sidoo kale shaki weyn galiyay ciidanka Jabhada SSC wuxuuna sheegay in ciidankaasi yahay ciidan isqarinaya oo Fadaraalka xamar samaystay,

Maamulka Isaaq ayaa mudo badan Buuhoodle ku dayay weerar ciidan mid Beelaha dhexdooda ah oo isku dir ah iyo dabino kale oo badan balse marnaba waxba kama horgalin oo sidii ay raben waxba uma dhicin

Comments are closed.