Deg Deg::Mareykanka Oo Cunaqabateen Saaray Soomaaliya xili Dalku ku jiro Marxalad Adag Oo Doorasho ismari waa ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad ah ku kordhinaya cunaqabateynada Mareykanka uu kusoo rogay Soomaaliya, kuwaas oo ay horey u saxiixeen madaxweyne Obama iyo Trump, sida uu sheegay Aqalka Cad.

“Xaaladda Soomaaliya waxay weli halis aan caadi aheyn kusoo rogeysaa amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.

“Sababtan darteed, xaaladda deg degga ah ee la saaray Soomaaliay April 12, 2010, iyo tallaabooyinkii la qaaday July 20, 2012, waa inay sii socdaan marka la dhaafo April 12 2021,” ayuu yiri Biden oo muddo hal sano ah ku kordhiyey amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay E.O 13556.

Amarka E.O 13556 ayaa wuxuu cunaqabteyn saarayaa shakhsiyaadka iyo hay’adaha loo arko inay halis ku yihiin amniga Soomaaliya, ee ay shaaciyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale mamnuucayaa in si toos ama aan toos aheyn loo halis geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, ciidamada Amisom, ama in si wax is-daba marin ah loo isticmaalo hantida Soomaaliya.