Waxaa caawa qabsaday Baraha bulshada iyo warbaahinta Hordhaca ciidanka Cirka soomaaliya oo Dawlada Turkigu soo bandhigtay sarakiisha ciidankaasi

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dawlada Turkiga ayaa soo bandhigtay caawa saraakiil iyo ciidan ay u carbisay Dawlada Fadaraalka Soomaaliya gaar ahaan ciidankan ayaa loo tababaray Cirka.

Ciidankii Ugu Horeeyay ee Cirka Ayaa Dalka Turkiga Tababar ugu Soo Xirmayaa Badhtamaha Sanadkaan,

Ciidankaan ayaa Ubadan Duuliyayaal (Pilots). Tirada Ciidankaan ayaa ah 1,000.

Ciidamadaan Ayaa Waxuu Tababarka Usocday Mudo 7 Sano ah.Ciidamadaan Ubadan Duuliyayaasha Dagaalka ayaa Horay Waxaa Walaac Ween Uga Muujiyay Dalka aan Dariska Nahay ee Kenya.