Maamulada Jubaland iyo puntland ayaa soo saaray goordhaweyd war saxafadeed ay uga hadlayan xaalada doorasho ee Soomaaliya.

Puntland iyo Jubaland oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu xagal-daacinayo” shirka xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka, waxayna ka digeen “in waqtiga kulanka oo sii daba-dheeraada ay keeni karto in masiirka iyo mustaqbalka dalka uu meel mugdi ah ku dhaco”.