War Deg Deg Ah:Dawlada Somaliya Hawada ka Celisay Diyaarad Garoowe ka Duushay…..

Dawlada Fadaraalka soomaaliya ayaa Hawada ka calisay Diyaarad Goordhaweyd Ka duushay Magaalada Garoowe kuna socotay Dekeda Garacad,

Diyaaradan oo waday wefti kala duwan oo soomaali iyo Ajaanib ah ayaa lagu war galiyay in ay joojiso safarkeeda Garacad,

Diyaaradan oo Maanta qaadi lahayd waftiga Ganacsatada ahaa ee Garacad usocda,waxaa lagala soo hadlay Tower-ka Muqdisho,waxaana loogu hanjabay haday Xamar kusoo laabato in ruqsada lagala noqonayo

Amarkan ka yimidi dhanka dawlada soomaaliya ayaa lagu lamaaniyay in weftiga diyaarada raacaya yahay kuwo imaaraad ah oo la doonaayo in lagu wareejiyo dekeda oo ay dhisten shacabka puntland

Talaabadan ayaa sii xumayn doonta xidhidhka maamulka puntland iyo dawlada Fadaraalka soomaaliya,

2 Comments

  1. Beeni raad maleh yaa awoodaas siyey farmajo feyras

  2. Khasaare news… warkan waa la beeniyay wax ka jiraa ma leh. Waa been Farmaajo faafiyay.

Comments are closed.