Deg Deg:Beesha Caalamka Oo Ka Diiday Deni iyo Madoobe Dalab ka dhan ah Farmaajo

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa ku guul-darreystay mid ka mid ah shuruudihii ay ku xireeen in dib loo billaabo wada-hadallada doorashada ee kala dhaxeeya madax goboleedyada kale iyo Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Khaatumonews u sheegay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan.

Dalabkan ayaa ka mid ahaa dhowr shuruud oo hortaagan wada-hadallada, oo sidoo kale ay ku jiraan ajendaha shirka, iyo amniga goobta shirka. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku doodayey in muddo xileedka Farmaajo uu dhammaaday, sidaas darteedna uusan haysan sharciyad uu shirka ku hoggaamiyo.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u sheegay inaysan suurta-gal aheyn in la fuliyo mid kasta oo ka mid ah dalabyada ay wataan, sidaas darteedna kula taliyeen inay ka tagaan kuwa aan muhiimka aheyn.