Deg Dg:Maamulka Galmudug Oo Si kulul uga horyimid 15 Xildhibaan ee Dawlada somalia xalay ka joojisay Kulamada Barlmaanka.

Maamulka Galmudug Ayaa si kulul uga hadlay warqad ka soo baxday Gudoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Mursal Sheekh.

Wasirka Amniga Galmudug Mudane Fiqi ayaa Qoraal uu goordhaweyd soo dhigay Bartiisa Facebook ku yidhi sidan

Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay.

Ajande Covid-19 sanad iyo saddex biloood oo uu dalka ka jirey ka dib xilli dalku siyaasad ahaan uusan degenayn lagu soo aadiyey, ajandahaas qaloocan oo ciidamo boqol kor u dhaafay ay difaacayaan ma soo marin Barlamaanka Soomaaliya taariikhdii uu jiray, markii Xildhibaanadu ay ka hadleena isla askartii loo dhiibo liiskooda in ay u diidaan gudashada waajibkooda waa handhaqan ugub ah oo ka marqaati kacaya wadada qaloocan ee dalka loo weeciyey.

Waxaan dhowraynaa Covid-19ka ciidamadu ay galbinayaan halku uu saldhigto iyo natiijada uu dhalo!.! Waxaase aan la qaadan karin marnaba tallaabadan guddoomiyaha golaha shacabku uu ku bartilmaameedsanayo qaar ka mid ah Xildhibaanadii Villa Soomaaliya ka aragtida duwanaa.

2 Comments

  1. Labadii Maalmood mar ayuu webkani war soo danaynayaa uu meelhaa ka soo akhristay 28/03/2021 ayaa ugu danbaysay waa kacay

  2. Gal-Mudug afkiisa maku hadlin ee fikirkiisa shakhsiga ah buu ku hadlay.

Comments are closed.