Dawlada Ingiriiska Oo Shaacisay in aysan Aqoonsan Doonin Mudo Kordhin hadii ay samayso Xukumada Somalia

Dowladda UK ayaa shaacisay inaysan taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xiriira.

“UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka UK ee Afrika James Duddridge. 

Duddridge ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay isku yimaadaan ayna gaaraan heshiis ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan hanaankii la isku raacay 17-kii September, iyo talo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhaba ee 16-kii Febraayo.

“Danta shacabka Soomaaliyeed darteed, iyo danaheena guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, ay yeeshaan wada-hadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri James Duddridge.

1 Comment

  1. UK wey ku mahadsan tahay, ixtiraam bay Somalidu u hayaan great Britain iyo sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen dawladan Farmaajo oo shacabkii Somaliyeed wada taageersan yihiin, waxaana fiican inaanay shacabka Somaliyeed waxay jecel yihiin UK aanay ka hor iman.
    Doorashadii dalka loo diyaariyey ee baarlamaanku sharciyeeyey one man one vote-ka ahayd postpone baa laga dhigay siyaasad ahaan, oo la yidhi ha la qaato selection. Haddaba, kuwii rabey selection-ka (Deni, Madoobe) ee 17ka September loo ogolaaday, iyagii baa diidan in doorasho dhacdo, maxaa diidaya in lagu noqdo one man one votkii sharcigiisu dhisnaa.
    Doorashadii selection-ka ahayd waxay noqotay dhicis yacnii wey saqiirtay. Fadlan UK (wait and look) arrimaha socda, dalka waxa u joogta dawlad iyo Baarlamaan shaqaynaya, doorashana wey dhacaysaa. Qaabka doorashada loo gelayo inta la saxayo waxa baarlamaanka laga rabaa muddo kordhin ay doorasho ku dhacdo. Mahdsanidin

Comments are closed.