Deg Deg::Kenya Shaacisay Talaabo halis ku Ah Somalida ku dhex nool Dalkeeda.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda sida ay sheegeen warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas.

Kenya waxey ka dhawaajisay iney tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharciga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo falal argagixiso ama maalgalintaba.

Xogta la faafiyay waxaa ku jirta in Kenya ay sheegtay iney hantidooda la wareegi doonto shaqsiyaadka Soomaalida ee looga shakiyo iney maalgaliyaan argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Kenya waxey u muuqataa iney qaadeyso tallaabooyin aargoosi ah maadaama ay guuldaro kasoo gaartay kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee ahaa baddii ay muranka galisay.

Dhanka kale Kenya waxey horay ugu dhawaaqday iney xiri doonto xeryaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yahiin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabatay in laba todobaad lagu xiro xerooyinkaas..

1 Comment

  1. Kenya waligeed asxaani naga ka dhaxayso nin Dhul ka haysta dadka wuxuu doono ha ka yeelaan

Comments are closed.