Wasiir Jamaal oo Weerar Ku Qaaday Madaxweyne Deni.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii u horraysay war ka soo saaray bannaanbax shalay ka dhacay degmada Dhahar ee Haylaan.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay hubka culus iyo rasaas nool-nool u adeegsadeen shacab bannaanbax nabdoon ka samaynayay magaalada Dhahar.

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab bannaanbax nabdoon samaynaya loo adeegsado hubka culus iyo Rasaas nool-nool.

Mr Jamaal, ayaa sheegay in ay waajibtahay in madaxweyne Deni is toos ah loogula xisaabtamo falkan, waxaase xusid mudan in Puntland ay beenisay warka ku saabsan in xabbad loo adeegsaday shacabka Dhahar.

1 Comment

  1. dqo yaho xunka jamal faraha ga qad madaxweyna dani jamal hada doqn tahay farjamo aya ku adeyg sado maxa ka noshahay nin ku rabi ba isku dhajina anigo ahmed mooye leydhaho waxa ku shegaya ninka xunka daba dhilifka uah farjamo tuug hada mar dabe ka maqlo jamal afaraha madaxweynah puntland dani iyo dadka reer puntland jamal mesha jogdi ba kula imanaya madax aya ka doganaya jamal farjamo waxa so ababulshan wa la garan il kar ba lagu haya shaley waxa dhacey wa la argey umadan wa ujeydy labadana inta dad reer punland lagac so sisan bad dhahdan guma daharada madaxweynha dani wa waxa samanayo wa labadana tuug kowdha jamal waxa kushegaya nafda bad badso ina ku so socdo niyada kasho ok bye

Comments are closed.