Waxaa maalmahan aad usoo baxaayay warar sheegaya in wadahadal hoose u socdo Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, iyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee SOmaaliya Farmaajo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Wadahadalkan ayaa sheegaya in uu salka ku hayo sidii Janan ugu soo biirilaha Xukumadda Soomaaliya islamarkaana isaga iyo Ciidankiisu usoo gali lahaayen Gobolka Gedo Gaar ahaan Baladxaawo,

Qorshaha Janaan ugu biiraayo dawlada isaga iyo Ciidankiisa ayaa shaki weyn ku abuurtay dawlada soomaaliya kadib markii dawlada iyo Janan isku diiden Hal qodob inta kalana ay ka heshiiyen.

Dawlada ayaa Wasiir Janan, usoo bandhigtay in guud Ahaan ciidankiisa uu Wareejiyo balse taas janaan ma ogola waxaana uu sheegay in uu ciidankiisa maamulaayo isaguna taliye u noqonaayo halkana uu kaga mid noqonayo ciidanka dawlada,

Taas mid ka badal ayay dawladu Usoo Bandhigtay Wasiir janan. taaso ah in uu wareejiyo ciidan isaguna isaga baxo dalka oo Qaato qarash faro badan oo looga iibsanaayo Gaadiidkiisa dagaal.

Warar qaar ayaa sheegaya in tani tahay Xeeladaysi cusub oo Axmed Madoobe iyo Janan kuwada socdan islamarkaana bar bilow u ah qaabkii ay gobolka gudaha ugu gali lahaayen iyagoo u yeelaya waji kale.

Xogta ayaa sheegaysa in Madoobe iyo Janaan ay kuwada socdaan in wax loo eekaysiiyay in Janan isku dhiibay Xukumada Farmaajo uu ku galo gobolka kadibna uu sidaasi gobolka ugaadho gedo gaar ahaan Belexaawo.

Qirshahan Ayaa ah mid shaki weyn galiyay Dawlada Soomaaliya, oo u aragto mid ay kuwada socdan Janan iyo Madobe ahna qorshe siyaasadeed ama xeelad cusub balse waxa jira shaki weyn.

Dhanka kale qorshahan wadahadalka ah oo shaki weyn xambaarsan ayaa sababay in dawlada soomaaliya ciidankii gobolka gedo kordhiso iyado cabsi weyn ka qabta Wadahadalkan

Khaatumonews.com

Comments are closed.