Deg DegPuntland iyo Jubaland oo Sheegay ilaa shan Qodob la Fuliyo in aysan Shirka Xalane Ka qeyb galayn.

Qorshihii shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu isbeddelay, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in maalmo dib loo dhigay, si si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin.

Shirka ayaa fashilmay kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka carreysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda.

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa shan qoodob ku xidhay ka qeyb galka shirka Xalane

1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane.

2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada.

3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February.

2 Comments

  1. S. Deni iyo Axmed Madoobow, Mr. Farmaajo waa madaxweynha Jumhuriyadda Soomaaliyeed illa doorasho dhacdo oo wax isbedellaan. Haddii isbedel iyo doorasho aad diidaan, xafiiska Madaxweynimadda waxa sii hayndoonna Mr. Farmaajo illa iyo Qiyaamaha. Sidaas ulla socda.

  2. Xishood oo ilaahay ka xishoo.
    Beenta iyo fitnadana jooji.
    Caadaqaate magaca reerka ha siisan$50

Comments are closed.