Waxaa hada shir balaadhan oo mudo sadex saac ah socday una dhexeeyay Dhinacyadda shirka Bari ka qeyb galaya iyo Beesha Caalamka lagu go aamiyay qodobo dhawr ah.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Amaanka goobta shirka Waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada Amisom, Waxaana shir soo dhamaaday goor Dhaweed la isku afgartay in ciidamada madaxda oo ay ku jiraan kuwa federaalka gaadiidka dagaalka iyo ciidamada looga reebo doonaa albaabada laga galo garoonka Aadan Cadde.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxda dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan VIPda.Ciidamada waxaa lagu reebi doonaa Mariina Gate ooah dhanka Iskuul Buluusiyo iyo Madiina Gate oo ah dhanka danwadaagaha

Dhanka kale Maraykanka ayaa goordhaw ka dajiyay muqdisho ciidamo sigaar ah utababaran oo lasheegay inay qeyb ka yihiin ilaalinta amaanka Teendhada Afisyooni ee shirka ay beesha caalamka qorshaynayso inuu bari furmo.

Dawlada Mareynkan ayaa haatan si aan lahayn war wareeg u gacan galisay xaalada soomaaliuya waxayna ku goodiiday dhamaan Xubnaha maamulada iyo Xukumada mudo xileedkeedu dhamaaday in ay isku diyaariyan Doraasho iyo kulan aan loo kaa kicin