Deg Deg:Deni oo sheegay in uu khatar ku jiro

Madaxweynaha Maamulka Puntaland Siciid Deni ayaa sheegay in xalay Ciidamo kusoo weerareen meesha ay ka deggan yihiin Magaalada Muqdisho oo ay moodayeen meel amni ah oo Beesha Caalamku maamusho.

“Shirka berri furmayo ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.”

Deni wuxuu intaas ku daray in Ciidamadaas ay u fahmeen kuwii weeraray Midowga Musharaxiinta Soomaaliya 19kii February xili ay doonayeen inay Mudaharaad ka dhigaan Daljirka Dahsoon.