War Deg Deg Ah::Kenya Oo Ka hadashay Fashilka Ka Raacay Maxkamada Heeg,

Dawladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku sheegtay in sababta ay dacwadda badda uga qaybgali weyday ay tahay; Cadaalad darrada maxkamadda ICJ, xanuunka Covid19 oo hoos u dhigey diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah.


Sidoo kale, Kenya waxay ku muusanowday in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasi oo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay ‘Argagixisada iyo Budhcad baddeeda’.

Kenya waxaa kale oo ay u sheegtay maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasi oo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tidhi qoraalkeeda.

3 Comments

  1. Bantu kenya xun wuxuu rabay in uu dhulka iyo Badda somalia biliqaysto inta dawlad la’aantu ka jirto gafuur culus fowqa gafuur culus

  2. Nacalat baa ku taal Kenya – Tuug Tuug dhashay Bal ka waran sodon sano oo bililiqaysigii soomaliya ay ku haysay ayaa ku filnaan waayey – Somalida hadanay iyagu is ku fiicnayn- ha ogaadan cadowga inay daaqadaha u Fureen- Guul inshallah-

  3. kenya waxay mogtahay
    somaliya haday so jesado
    in ay ka sal gaarto arinteda moye
    inay so jedsan

Comments are closed.