Imaaradka Shaaciyay waxa uu Qabanaayo Sarkaal ay Somaliland usoo magaacaben,

Warbaahinta Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wax ka qortay Wakiil Dawladda Imaaraadka Carabtu u soo Magacowday Maamulka Somaliland, kaasi oo Toddobaadkan uu Muuse Biixi Cabdi ka guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga.

Wakaaladda Wararka ee Dawladda Imaaraadka Carabta oo Magaceedu yahay ‘wam’ ayaa sheegtay in Abdullah Muhammad Al Naqbi oo ah Wakiilka Xafiiska Ganacsiga Imaaraadka ee Somaliland uu Waraaqihiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland isla-markaana laga guddoomay.

Wakaaladda Wararka ee WAM waxay sheegtay in Al-naqbi uu Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Salaan uu uga siday Madaxda Dawladda Imaaraadka, sida Madaxweyna Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweyne Ku-xigeenka Sheekh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Ra’iisul Wasaaraha iyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna Taliye Ku Xigeenka Sare ee Ciidamada Imaaraatka Carabta, kuwaasi shacabka Somaliland u rajeeyay horumar.

4 Comments

  1. Gamadiid
    Waxaad u fikiraysaa si qaldan oo qabiilaysan. Ma waxa Soomaali ka cararaya Somalilnad oo iyada oo awoodda in ay dall gooniya noqoto 26/6/1960 si bilaa shuruud ah uugu dartay xorriyadeedii dalka Somaliya ee ay ka hor xoroowday mis Soomaaliyada ilaa maanta diidan in aqoonstao dawladnimada jamhuuriyadda Somaliland. Mise ma kala tqaanid dalka Somalialnd, Jabuuti iyo dalka saaqiday ee Soomaaliya.

  2. Warqada horta ma wada akhriseen? Hhhhhhh

    Waxa ku qoran waxaanu xoojinayna xidhiidhka iyo danaha ka dhaxeeya labada wadan iyo labada qaran ee somaliland iyo imaaraadka! Hhhhhh ereyga culus bay adeegsatay wasaarada arrimaha dibada ee UAE! Hhhhhh

  3. Waa yaabayay idoor baa maqaam sare
    Imaradku ku qabilayaan.
    Xafiskinaa gacanac siga ku qanac sanada.
    Somalia safer buxa ayaa u joga imaradka.
    Wax ha u tarto somali ka cararku.
    Danyaarta caqli dhanta.

Comments are closed.