Deg Deg:Cabdilaahi Yuusuf Walalkiis oo Gaalkacayo Lagu Qarxiyay,

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Puntland.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Sarkaalka oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed laguna Magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) lala beegsaday Gaari uu watay xilli uu marayay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal oo ka tirsan Laanta dambi-baarista Puntland ee C.I.D, ayaa ka badbaaday qaraxa, hayeeshee goobjoogayaal ay sheegeen in uu burbur xoogan soo gaaray gaariga uu watay Sarkaalka.