Deg Deg:-Midowaga Yurub Oo ka Jaray Dawlada Somalia Lacagtii Ay tooska usiin Jiren

Midowga Yurub ayaa hakiyey lacagtii tooska aheyd ee uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist.

Lacagta tooska ah ee Midowga Yurub uu siiyo dowladda federaalka ayaa la billaabay sanaddii 2018, ayada oo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan dowliga aheyn (NGOs), si ay Soomaaliya ugu qarash gareeyeen.

Hase yeeshee, warbixinta uu maanta qoray wargeyska The Economist ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeyey bishii June ee sanadii tegay uu mar kale Midowga Yurub hakiyey miisaaniyaddaas, sababo la xiriira walaacyo ku saabsan isku day lagu xadayo doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka, oo ay ugu weyn yihiin Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa hadda ku qasbaya madaxweyne Farmaajo inuu madaxweyne goboleedyada kula shiro Xalane, taasi oo uusan raali ka aheyn, waxaana muuqata in awoodda maaliyadeed ee ay Soomaaliya ku leeyihiin ay adeegsanayaan cadaadiska ay ku hayaan Farmaajo.

1 Comment

  1. La tolaa olashaa ! somali xoog laguma muquunin karo , adiga oo gacan shisheeye ku tiirsan oon awood hayn !

Comments are closed.