Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in tiro Madaafiic ah lagu garaacay xarunta Xalane oo ah meesha ay degan yihiin Hay’addaha Beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ilaa 6 hoobiye lagu soo tuuray xerada oo u dhow garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay Beesha caalamka oo dhex-mari doona Madaxda Dowladda Federaalka Iyo kuwa Dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
