Deg Deg:-Dawlada Somalia Ciidamo udirtay XALANE iyo amisom oo soo calisay

warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada Koofiyad casta Farmaajo oo isku dayay in ay la wareegaan ammaanka hoolka Afisyoone ee lagu wado in uu dhowaan ka furmi doono shirka u dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka iyo Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa galabtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo loo xilsaaray ilaalinta nabadgalyada hoolka Afisyoone ay dib uga soo celiyeen halkaas.

Ciidamada AMISOM oo muddo laba maalmood ah halkaas ku sugnaa, isla markaana Xafiiska qaramada midoobey uu u xilsaaray sugidda amniga shirka Afisyoone ayaa u sheegey saraakiishii hogaaminaysay ciidamada ilaalada Farmaajo ee koofiyad casta in ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen, ayadoo loo sheegay in dhammaan ammaanka goobta shirku ka dhacayana ay AMISOM mas’uul ka tahay.

Sida laga soo warinayo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadii Koofiyad casta ee galabtay hawshaas ku hungoobay ayaa sheegaya in xiriiro ay la soo sameeyeen madaxtooyada Villa Somalia ka dib ay isaga huleeleen Afisyoone, ayadoo agagaarka iyo goobta uu ka dhacayo shirka Dawladda Federaalka iyo Dawlad goboleedyada ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamo ka tirsan nabad ilaalinta AMISOM.

Talaabada lagu geeyey hoolka Afisyoone ciidamada AMISOM ayaa u muuqanaysa in jawaab ay u tahay codsigii madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay ku xireen ka qeybgalka shirka mudada saddexda jeer ah baaqday.

Soo celinta ciidamada Koofiyad casta Farmaajo iyo waxa isku soo aaday duqayn tiro hoobiyaal ah oo lagu garaacay agagaarka hotel u qorshaysnaa Madaxwyenaha Jubaland inuu dego oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde