Maxaa kasocda xiligaan xerada xalane?

Maxaa kasocda xiligaan xerada xalane?

Xogo lagu kalsoonaan karo oo aan kahelnay Gudaha Xerada Xalane ayaa Sheegaya in ergayga gaarka ah ee UN-ka ujooga Somalia Amb. James Swan uu Casumaad Shir maanta udiray Madaxwaynaha JFS, Ra’isulwasaraha Xukuumada iyo Madax-Waynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka, waxShirkaani lagu wadaa inuu ka qabsoomo Xerada Xalane Maalinta Arbacada ah ee Fooda nagu soohaysa.

Shirkaan ayaa umuuqda mid kaduwanaan kara Shirarkii hore Maadaama uu gar-wadeen ka noqon doono Amb. James Swan oo casumaada Fidiyay waxaana la filayaa in laga soo saaro khariidad ( Road-Map) waddanka lagu gaarsiiyo doorasho.

Gaba-gabadii Shirka oo Socon doona Hal maalin ayaa waxaa aqbalay dhamaanba Madaxdii lagu Casumay.

Aragtidaada muxuu shirkaani kaga duwanaan karaa shirarkii hore oo aan wax natiijo laga gaarin

2 Comments

  1. Woah! I’m really digging the template/theme of this blog. It’s simple, yet effective. A lot of times it’s very difficult to get that “perfect balance” between superb usability and appearance. I must say you have done a superb job with this. Also, the blog loads super fast for me on Opera. Superb Blog!

Comments are closed.