Muxuu Deni ka yiri weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane  Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay weerarkii xooganaa ee habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa u mahad-celiyey ciidamada ammaanka ee ka hortegay weerarkaasi oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggii weerarka soo qaaday waxna la dilay, waxna nolol lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland ay heegan buuxa ku jiraan, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ka hortegaan weerar kasta oo kaga yimaada Shabaab.