Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa kasoo baxay fadhiisinnadii ay ku sugnaayeen, iyagoo dul degay magaalada Ceel-Afweyn.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ciidankan oo gadoodsan ayaa degay labada Kontarool ee magaalada Ceel-Afweyn.
Taliska Milatariga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa isku dayay inay ciidanka ku qanciyaan inay ku noqdaan fadhiisinkoodii hore, balse way diideen.
Sababta ciidanku u gadoodeen ayaa la sheegay in ay tahay xuquuqo ka maqan oo ay tirsanayaan.
Maalmihii lasoo dhaafey waxaa isa soo taraayay wararka sheegaya in ciidanka Millatariga Somaliland ay gadoodsan yihiin, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Bariga Somaliland, sida kuwa jooga Tukaraq.
Comments are closed.