Sida ay tilmaamayaan xogaha u dambeeya ee aan ka helnay magaalooyinka Garoowe & Kismaayo ayaa hoosta ka xariiqaya in ay madaxda Puntland iyo Jubbaland go’aansadeen in aysan qeyb ka noqon kulanka dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada ee hanaanka dhameystirka Habraca doorashooyinka Soomaaliya, ka dib heshiiskii ay kusoo gaareen magaalada Baydhabo guddiyo ay soo dirsdeen dhammaan dhinacyada

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Labada madaxweyne-ba waxay soo jeediyeen sharuudo cusub oo ku wajahan arrimaha shirka magalada Muqdisho ee horey loogu baaqay, waxayna horey u diideen kulan lagu qaban lahaa magaalada Garoowe oo ay ku baaqday Madaxtooyada Soomaaliya

4 wasiir oo kasocda Jubbaland & Puntland, kuna sugnaa magaalada Muqdisho oo u joogay sugida Madaxdooda ayaa lagu amray in ay kasoo baxaan magaalada Muqdisho, oo ay dib ugu kala laabtaan Garoowe iyo Kismaayo xili lafilayay in ay madaxdoodu tagaan shirka.

Sida muuqata shirka dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka ee la iclaamiyey in uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa markale fashil soo wajahay, ka dib caqabad cusub oo katimi dhinaca Jubbaland & Puntland, iyadoo ay horey  udalbadeen in lagu qabto magaalada Muqdisho.