Deg Deg Muqaal indha Cade iskaga Duubay Muqdisho caawa oo shaki weyn Galiyay dalka

Ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada uu hoggaaminayo Indhacadde oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gedaamay fagaaraha taallada Daljirka, waxaana halkaas warbaahinta kula hadlay Jeneraal Indhacadde.

“Halkaan waxaan caawa u joogaa kormeer, si aan ula socdo ammaanka goobtan berri banaanbaxu ka dhacayo… cid ii wakiilatay malahan howshan oo dalku dowlad malahan, halkaana waxaa I keenay damiirka igu jira, si loo helo dowlad dadku soo dhisteen oo doorasho ku timaada,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde

1 Comment

  1. Najaas aaan daahirayn baa tihiiin idinka iyo Indho caddeba xageejanan ku noqday miyuuusan ahayn mooryaaankiii masaaakinta biyaha Wabiga ka iiibin jiray

Comments are closed.