Deg Deg Shirkii Oo Garoowe laga Wareejiyay iyo Goobta loo Badalaayo.

Ilo ku dhawdhaw Beesha Caalamka ayaa ku waramaya inuu xoogaystay cadaadiska lagu saarayo sidii uu u aqbali lahaa Muqdisho in lagu qabto shirka 15 Feb 2021 Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xogta ayaa intaas ku daraysa Villa Somalia caawa inay qorsheynayso soo saarida warmurtiyeed ay suurto-gal tahay shirkaas inay u wareejiso magaalada Baydhabo,taasoo ujeedada loo gol-leeyahay la xidhiidho sidii loo joojin lahaa ka qaybgalka saamillayda siyaasadda..

Culayska saaran Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo marba marka ka dambaysa xoogaysanaya,ka sokow dhinacyadda siyaasadda waxaa garwadeen u ah Beesha caalamka oo sida la sheegay quudaraynaysa in la isugu yimaado Muqdisho,marka laga reebo hogaamiyaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen oo wararku sheegayaan inay isku fahamsan yihiin Farmaajo ku qabashada shirkaas magaalada Baydhabo.

Dad badan oo xogogaal u ah xaalada ismarin-waaga ee ka taagan doorashada,waxay Rajo ku qabaan in laga dhursugo war-saxaafadeedka villa Somalia,xilli muddooyinkaan dambe siyaasiyiintu caadaysteen inay hadlaan saqda dhexe.