Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Buuhoodle Isimada Gobolka Cayn oo Booqday Ciidan Beeleedyo Hubaysan,

Waxaa Daganaasho xoogan Laga dareemaya Xaalada nabad galyo ee Degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn, oo Beelo walaalo ah malmihii ugu danbeeyay Xiisad Ka dhex taagneed,

Isimada dhaqanka Gobolka Cayn, ayaa dadaal xoogan galiyay in aan Dhiig danbe ku daadan Gobolka, sidoo kale waxay u kala dab qaaden Beelaha walaalaha ah ee Cali gari iyo Wacays Aadan,

Isimada ayaa booqday Maleeshiyaad beeleed Hubaysan oo dagan Buuhoodle kuwaaso walwalka ugu weyn ku haya bulshada Buuhoodle

Garaad Cabdirashiid Waraaba dheere,Suldaan sicid .Garaad Maxamed Xirsi Ducaale Cheif caaqil Cabdilaahi Maxamed Dheeg, ayaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay booqday Ciidan Beeleedyo hubaysan oo beelaha Wacays Aadan iyo cali gari ah kuwaasoo dagan Duleedka Buuhoodle.

Isimada, Ayaa kala hadlay Saraakiisha Ciidan Beeleedyada in aysan qaadin Talaabo sababta in dhiig sokeeye ku daado gobolka cayn .

Garaad Cabdirashiid iyo Cheif Caaqil Cabdilaahi Maxamed Dheeg ayaa si adag ula dardaarmay Ciidan Beeleedyada waxayna ku bogaadiyen in ay xakameeyan Qoryahooda inta ay socota wanwanta .

Dhanka kale Garaad Cabdirsaaq iyo cuqaasha Beelweynta Axmed Garaad ayaa iyana Dadaalkii ugu xoogana ku Bixiyay in aan colaad sokeeye Buuhoodle Ka qarxin taaso guul u ah cadowga Buuhoodle iyo SSC-ba.

Wali waxaa labada dhinac magaalada Buuhoodle Ka dagan Maleeshiyaad beeleed waxayna isimada Gobolka cayn rajo weyn ka qaban in maalmaha soo socda laga raro maleeshiyaadka magaalada.

Buuhoodle ayaa ah Magaalada kaliye ka madax banaan Deegaanka SSC waxaana jira gacmo siyaasadeed oo beesha SNM, ah kuwaaso doonaya in ay isku dhiig baxan Beelaha Gobolka cayn si ay uga Faa’iidaystan colaada balse taas waxaa aad u fahansan Bulshada Gobolka oodhan,

3 Comments

  1. MO, MA ADIIGA REER MAGAL AH?DILAADI KUDAALE …….

  2. Dhulbahantuhu waa badow aan waligood ilbaxayn.
    iidoor dabaqoodhi baa dhulkoodii gaalaa baxaya markaasay igagii is laynayaan. oo maxay isku laynayaan oo meesha yaal? ma gaajadaa isku diraysa?

    Duul lunsan iga dheh!!

  3. ilaahoow kala qabooji maxaa isku diray umaddha kale kudayda

Comments are closed.