Madaxweyne Farmaaja ku Dhawaaqay shir Garoowe ka Dhaca

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

DHAMMAAD.

1 Comment

  1. Waar FARMAAJOOY riwaayaddan ka baxa oo dhakhso u fuliya adiga iyo 2da gobol ee Daarood qodobadii uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo adeeri boqor Xasan Maal baa idin daawanaya oo ku qoslaya caawanimada madaxda Soomaaliya, hhhh.

Comments are closed.