Deg Deg:Beesha caalamka soo saartay 9 Qodob oo doorashada Lagu Galo.

Xogtii ugu dambaysay Natiijadii kasoo baxday shirarkii beesha caalamka iyo Farmaajo u dhaxeeyay iyo Taladii oo la qaatay Gudigiisa istaraatiijiyada waa ay aqbaleen Qoraalkii beesha Caalamka qoraalkii beesha caalamka wuxuu ahaa :

1. In muqdisho la isugu yimaado shir deg deg ah 12_ka bisha February 2021 ilaa 17_ka bisha February 2021 ugu dambeyn.

2. Si xal loo gaaro khilaafkane uga baxo meesha waxa lasoo go’aamiyay deegaan doorashadu hal goob in ay noqotaa.

3. Maadaama aan la heyn lacagta doorashada 90% waa in Ergada loosoo celiyaa sideedii hore 2016 oo ah 51_Ergo.

4. Qadiyadda Gudiga maamulaya Doorashada Somaliland 50% waxaa soo xulan doono Raisul wasaare kuxigeenka halka 50% uu soo xulan doono Gudoomiyaha Aqalka sare Si khilaafaadka u dhamaadaan is aaminaad loo helo iyo dalkane xasilooni iyo doorasho lagu kalsoonaan karo loogu dardargeliyo 3_bilood gudahood.

5. Gudiga doorashada Heer federaal khilaafka ka taagnaa sidiisa loo dhaafo waajibaad kiisa si xikmad leh ula shaqeeyaan gudiyada doorashooyinka ee heer state.

6. Doorashada Aqalka sare waa in ay bilaabataa 7_Maarso_2021 si dib u dhac doorasho aan loosii gelin.

7. Heshiiskii Doorashada ee 17_kii September 2020 sidiisa ayuu u dhaqan galayaa marka laga reebo Labada Qodob ee laga bedelay oo ah “”Deegaan Doorashada iyo Tirada Ergada”” inta kale waa sidiisa waxba lagama bedeli karo.

8. Doorashada Labada Gole Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa in lagu soo gabagabeeyo 60_cisho Gudahood oo ah Laba bilood ugu dambeyn Bisha April.

9. Sidoo kale mushkiladda ka taagan Hiiraan iyo Gedo waxaa xalin doonta Dowladda soo socota si waqti ku filan ugu hesho in ay u sameesato guddi dib u heshiisiineed khilaaf yadaas xal ka gaara.

W/Q: Senator Abdulkaadir Geescade.

2 Comments

  1. Fake news

  2. Ninkii waalaa ee moodayay in ay Soomaaliya dawladi ka jirto ee lahaa Itoobiyaa sidaa tidhi iyo Cali baa Geel laayay ha ogaado in Golaha Ammaanka ee UN-tu ka taliya Soomaaliya oo aanay dawldba dalkaa ka jirin. Golaha Ammaanku way la socdaan doorasha qof iyo codkii ah ee dhawaan ka dhacaysa Somaliland, Soomaliland iyoSoomaaliyana waa sida Yuhuudda iyo Muslinka waligoodna dib uuma midoobayaan ee kii wali midnimadii dhimatay ku riyoonayoow ka toos khuurada aad ku raagtay oo taada ka tali.

Comments are closed.