Deg Deg:Abiy Axmed Oo U Quus Gooyay Maamulka SNM,

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan ka shaqeyn doonin kala qeybinta Soomaaliya, isagoo xoogaggii TPLF ku eedeeyay kala qeybinta wadamada Geeska Afrika.

Xukuumadda uu taladeeda haayo Abiy Ahmed ayaa gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigreega kula dagaallamay TPLF, wuxuuna guushaas ku tilmaamay mid dan u ah dhamaan wadamada Geeska Afrika.

Warbixin lagu daabacay Project Syndicate ayuu ku sheegay ra’iisul wasaare Abiy in TPLF ay qas ku wadeen dalalka Geeska Afrika, islamarkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, balse ay soo afjareen.

“Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceeyriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatada ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasadeed,” Ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah madaxwenaha wakhtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuusan ka shaqeyn doonin xasiloonni darrada Soomaaliya oo muddo 30-sano ah dhibaatooyin dhexda uga jirta.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegaa in siyaasadda xukuumadiisa ay tahay in laga wada shaqeeyo xal u helidda duruufaha ku gadaaman dalalka Geeska Afrika.

4 Comments

  1. Dadka kaleba ha hadlaane dulbahante hadalba uma eega. Somaliland ina gumeedya looga yaqaana, doog raac iyo dhuuni raac. Shan bacood oo ay ku dawarsadaan ayay xusulada ku sitan. Isaaq wuu idin gumeeyay gogarad bad wada xidhantiin. Hadalkiina waxa loo yaqaan eyna wa ciya af noolina wa hadla.(xaarku ima dhawe ma dhawdhawdisa i dhibaysa)

  2. U idoor pple are really sick. Dad 91 kii maraya oo qabiil la luudaya aya tihiin.

    But you I’ll pay 4 it, I promise.

  3. Abiy axmed wuxuu ka hadlayaa somaliya wuu ogyahay in somaliland ka mid ahayn fadaraha somaliya Somaliland way ku raacsantahay abiye inaan somaliya mid ahaato

  4. Qoraalkan kuma jirto Itoobiya lama shaqayniso Somaliland ama qusulka Itoobiya waa laga soo saarayaa Soomaliland ee ka toosa khuurada iyo riyada aad ilaa Awayne uugu riyoonaysaan in coloobaan jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka oo dhan la shaqaysa ee ka magaca wayn dawladda saaqiday ee Soomaaliya, gaar ahaa Khaatumo iyo inta yar ee la garaadka ahaay.

Comments are closed.