Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooye, taas oo ay sii marto wadada dhinaca galbeed uga baxda Afgooye ee aadda Wanlaweyn.

Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9-qof oo laba ka mid ah ay ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee Dhuxusha qaada.

ahaayeen ciidanka dowladda oo Al-Shabaab ka difaacayey gaadiidkaas si aysan u gubin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in laba askari oo kale uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay rogmadeen seddax gaari oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Indha-Tareega (N3) oo dhuxul siday, kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.