Waxaa xalay magaalada Laascaanood lagu xidhay wariye Maxamed Bidhaanshe oo waraysi ka qaaday Taliye Ku xigeenka Jabhada SSC Faysal Falaalug.
Wariyaha ayaa maamulka SNM ku haysta seeba U waraysata Faysal Falaalug oo kamid ah madaxda Jabhada SSC,
dhanka kale odayaal utagay Maleeshiyaadka SN ee Gobolka sool waxay ka dalbaden in wariyaha lasoo daayo balse shardi ayay ku xidhen Taliska SNM siidaynta Bidhaanshe,
Shardiga lagu xidhay waxaa kamid ah inuusan siidayn waraysiga uu sida hordhaca ah xalay u baahiyay iyo in usan dib uga duubi karin gobolka wax cadho galinaya SNM,
Sidan oo kale ayaa wariye Maxamed shaqale, loogu xidhay Laascaanood dhawr bilood ka hor kaaso shardiyo lagu xidhay aawadeed markii la siidayay isaga cararay Gobolka sool,
Qorshaha SNM kawada laascaanood ee la dagaalka wariyaasha ah waa guumaysi iyo cabidhin ka dhan ah Bulshada oo maraya meeshi ugu danbaysay.
Tani waxay sababi karta in guud ahaan gobolka Sool, aysan ku hadhin wax wariyaal ah oo si xor ah wax u tabiya in yar oo tabisa wararka Beesha Isaaq Mooye,.

qof xun oo munaafaqad wadaa ha kabax sool iyo sanaag iyo somaliland oo dhan, Ibnu xalaalka iyo dadka fiicani ha soo haro !
NADHAAFA DHEH..MUNAAFIQIINTA OO DHAN WAA IN AY DHULKA KATAGAAN..SNM KUYE ADEER SNM JAMHUURIYAD SOMALILAND LAYIDHAAHDO AYEY DHASHAY..KKKK
Kabaxa dheh dhamaantood….dhulku ma guuree dadkaa guura!