Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale culeys ku saaraya Dowlad Goboleedyada saddexda ah inay bilaabaan doorashada Aqalka sare ka hor 8-da February, kulan uu xalay la yeeshay Xubno ka mid ah Guddiyada doorashada heer Federaal ee ay soo magacaabeen Dowlad Goboleedyada ayuu kula dardaarmay inay doorashada bilaabaan todobadka soo socda.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ilo ku dhow dhow xubnaha Madaxweynuhu la kulmay oo kala ahaa kuwa Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabelle ayaa sheegaya in la faray in Todobaadka soo socdo inay tagaan xarumaha Dowlad Goboleedyada, si doorashada aqalka sare u qabtaan, iyadoo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada soo saari doonaan liiska Musharaxiinta kama dambeys maalinta sabtida.
Tallaabadan ayaa loo arkaa haddii dowladdu qaado inay dalka gelin karto kala qeybsanaan.
