Deg Deg Daawo:Dawlada Somaliya Sheegtay in Jabuuti Kamid tahay Cadowga Somalia.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.

Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.