Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo

Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay ciidanka dowladda kusoo qaadeen “jabhad fallaago ah oo ay soo hubeysay Kenya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”

Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya, taasi oo kasii dari karta xaaladda markii horeba xumeyd ee Soomaaliya iyo xerooyinka qaxootiga Kenya.

Waxa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay in haddii dagaalka uu sii socdo, in xaaladda ay sii xasillooni dareyn karto gobolka, islamarkaana adkeyn karto xaaladda amni, dib u dhacna u keeni karto guulihii laga gaaray dagaalka argagixisada.

Kenya ayaa si rasmi ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “Kenya soo hubeysay jabhad fallaago ah.”

1 Comment

  1. Khiyaali news.
    Waataa soomaaliya, kuukuuyadii ayaa xitaa la yaabtey.
    Ku jir riyo maalmeedka abidkaa.

Comments are closed.