600 Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,

Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos taga degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Tuulooyinka ay qabsadaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Warciise oo Jowhar u jirta 15 ilaa 20 KM iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Geyfo, Jabada-Carbeed, iyo Daba-gaab oo hoos taga degmada Raaga-Ceelle.

Al-Shabaab waxay caawa 10-KM u jiraan degmada Raaga-Ceelle, halka Jowhar-na ay ka qabsadeen tuulo hoos tagta oo lagu magacaabo Warciise, taas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya

Xaalad cabsi ah ayaa caawa ka taagan qeybo badan oo gobolka Shabeellada Dhexe ah, lamana oga sida uu xaalku noqon doono.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale maalin ka hor ula wareegay deegaanka Mashallaay oo hoos taga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugnaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...