Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jwaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo horey u tilmaamay in guddoomiye Sanyare uu jeediyey hadal gef weyn ku ah Diinta, isaga oona dagaalyahanada Al-Shabaab amray inay soo dilaan guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Sanyare oo hadalkaasi ka jawaabayey, kadib munaasabad baroor-diiq ah oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in Cali Dheere uu yahay nin dambi weyn ka galay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka dambeeyey weeraro & qaraxyo dad badan lagu dilay