Somaliland Oo Dhigtay Qorshaha Dilalkii Buuhoodle Ka Dhacay
Waxaa Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn wali ka taagan Xiisaad Colaadeed oo ka dhalatay Dilal Ka dhacay magaalada.
Waxgaradka iyo odayaasha Buuhoode, ayaa si weyn gacanta ugu haya Xaalada Buuhoodle, kadib markii dhawaan halkaasi Lagu toogtay Caaqil iyado maalin kadbna isla Duleedka Buuhoodle, lagu dilay Nin Dhalinyaro ah dilkaasi oo daba socda dilka Caaqilka
Qorshaha lagu dilay caaqilka oo dadka Deegaanka SSC ku noqotay lama arag iyo arrin ugub ku ah dhagahooda iyo aragooda ayaa iyadoo xaalada lagu hayo gacanta islamarkaana lasoo qabtay kii wax dilay ayaa maalin kadib waxaa la dilay nin kale oo aan waxba galabsan taaso yana ugub ku ah deegaanka in gacan ku dhiiglihii oo lahayo la dilo mid kale oo aan waxba galabsan.
Labadan dhacdo ee ugubka ah midba mid ka daran tahay ayaa shaki weyn galisay bulshada SSC, gaar ahaan Dadweynaha Buuhoodle taaso sababtay in dabagal xoogan lagu sameeyo dilalkan iyo cida ka danbaysa,
Xubmo kamid ah Cuqaasha iyo Saraakiisha Gobolka Cayn oo khaatumonews.com la hadlay ayaa Arrinkaasi ka bixiyay faahfaahin waxayna sheegen inay hayan raad iyo xog muujinasa in maamulka SNM Adeegsaday dhalinyarada Labada dhinac ee kala fulisay dilalka.
Lasoco waraysi aanu arrinkaas kala yeelanay Cuqaal iyo odayaal ku sugan Buuhoodle

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.