Isimada Dhulbahante ee Labo wajileenta Siyaasadeed Ku Caanbaxay Xaalku maanta waa ku xin yahy
Xili maanta xukumadda Fadaraalka Soomaaliya shaacisay in aysan u hakin doonin dorashada dalka Maamulada Jubaland iyo puntland, ayaa arrinkaasi waxaa uu si gaar ah usamayn doona Gobolada SSC,
Gobolada SSC, waxaa ay kamid ahaayen shan gobol oo doorashadooda Puntland gacanta kuhayso islamarkaana gobolada SSC 10 xildhibaan oo kumatala Muqdisho, waxaa lagu dooran jiray 20 sane u danbeeyay Garoowe taaso ay fudeedshen Isiimdo dhulbante kamid ah.
Isimada dhulbahante ee masiirka dhulka SSc iyagu dabar ugu xidhay Garowe, haatan waxaa saaran ama soo fuuli doona culays iyo cabsi siyaasadeed,
Isimadii daacada u ahaa Garowe, xaalku maanta waa ku khariban yahay oo Dawlada somaliya, waxay duldhigi doonta Malaayiin dollar si ay ugu qanciso inay xamar, yimaadan kuna xushan Baarlamaanka SSC,
Dhanka kale Maamulka Garoowe, isna wuxuu saari doona culays kaas xamar, ka weyn Isimada SSC, waxaa xasuus mudan in isimadu hadii ay Xamar iska dhiiban ay xaaladu ku adkaan doonto oo puntland qaadi doonto Talaabooyin ay kamid yihiin in Liiskooda la dhigo Garoomada Puntland si aysan uga soo dagin in taasna loo raacin doono in xubnaha Barlamaanka iyo wasiirada dhulbahante ku matala Garoowe aysan waxba ka saxeexi doonin isimka taga Xamar shanbadoodana la tirtiri doono,
Isimada Dhulbahante, ku wooda ku caan baxay Laba wajiileenta siyaasadeed Xaalku maanta wuxuu ku dhex tuuri doona Badweyn siyaasadeed oo labada dhinac ee isku haya doorashada soomaaliya ku khasbi doonta in ay garab uun raali galiyan
Su’aasha isweyiinta leh ayaa ah iyana ‘’10 xildhibaan oo rabitaanka Farmaajo iyo ku xumayn puntland loogu xulaayo Xamar maxay kusoo kordhinayan Gobolada SSC iyadoo masiirkii gobolada si cad uu u diiday Madaxwyene Farmaajo’?,
