Doorasho Hawiye iyo Raxanweyn kaliya Heshiis ku yihiin 30 sano kadib, iyo Fadeexada ka dhalanasa,
Raysal wasaaraha dawlada soomaaliya ,oo ay dhinacyada ka taagan yihiin sadex Masuul oo ay isku beel yihiin oo kala ah Guudwaalle oo aan Tagi karin Baladweyne iyo Cumar Finish, oo xamar amnigeeda ucaal waayay iyo Qorqoor oo Saraakiishii iyo maamulkiisa Alshabaab dhameeyen ayaa shaaciyay in Dalka soomaaliya galaayo doorasho.
Doorashada ay ku dhawaaqen in ay galaayan Beelaha Hawiye iyo Raxan weyn ayaa ah Doorasho ay ka maqan yihiin 11 gobol oo soomaaliya ah islamarkaana ay ka maqan yihiin beelihii ugu miisanka cusla soomaaliya.
Doorashadan waxaa ka maqan Sadex Gobol oo Puntland hada gacanka ku hayso Mudug Bari iyo Nugaal,Sadex Gobol oo Jubaland ah oo Kala ah Kismaayo/Bu ale iyo Gedo.Shan Gobol oo ku jira Gacanta SNM Sool Sanag.Togdheer,Waqooyi Galbeed Awdal.
Talaabadan ay qaaden Rooble iyo Farmaajo, ayaa ku koobaysa Maamulka ay dhisaayan 30 kadib Koonfur qeyb kamid ah iyadoo taasi ka dhigan tahay xukumadii aan awalba xamar soo dhaafi jirin 30 sano in ay dib looga tirtiro magaceeda Deegaano ay socdaal marmar ku imaan jiren madaxda Koonfurtu lagana ogola astaanta Soomaaliya, ,
Sidoo kale Talaabadan ayaa sii naaxinasa Fikirka maamulka gooni goosadka ah ee SNM, kaaso guushiisu tahay kala daadashada Midnimada soomaaliya, waxayna mataano ka dhigaysa Hargaysa Kismaayo iyo Garoowe,
kala sii firxadka soomaaliya iyo in ay maanta Farmaajo iyo Rooble sii kala jaran koonfur waxay ka dhigan tahay taariikh madow iyo Caalamad xun oo ay ku suntanaan doonaan Rajo dawladnimo iyo somali mid ah oo iyana sii fogaatay waxaa intaas dheer oo xaqiiq ah in doorasho uusan daarood qeyb ka ahayn in Madaxweyne Farmaajo uusan u dareerin karin hawiye islamarkaana qoor qoor iyo Rooble aysan hawiye ku muquunin karin wixii Xukumadii Cabdilaahi yuusuf iyo Cali maxamed Gedi ku muquunin waayen,
Isweydiinta ayaa ah 30 sano ayaa xubno isaaq matala Xamar lagu magacaabaayay mana tagan Hargaysa,Xamarna waxba mataran iyo somali weyn aan ka ahayn in lasiiyo cashuurta shacabka dhiig baxaya ee Xamar si ay Hargaysa uga dhistan Guryo Qurux Badan maanta Farmaajo ma wuxuu ku badashay wasiiradiisi iyo madaxdiisi Garoowe iyo Kismaayo sida xorta ah utagaysay in laga mamnuco oo cafis xilka qaadis ka horayso ay ku soo galan!!
W/Q Cabdi Ciro
