600 Deg Deg:Qarax Weyn Ka Dhacay Muqdisho, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Qarax Weyn Ka Dhacay Muqdisho,

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoog leh caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Qaraxaas ayaa lala beegsaday gaariga afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni.

Afhayeenka ayaa la sheegay in uusan la socon gaarigiisa markii qaraxa lala beegsaday, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, welina wax faahfaahin ah laamaha ammaanku qaraxaas kama bixin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...