War Deg Deg Ah:Af-Gambi Ciidan Oo lagu Sameeyay Madaxweynaha Eritrea

Xaalada Dalka Eritrea ayaa kacsan waxaana Guud Ahaan Inta badan Dalkaasi ka socda Mudaharaad iyo Qalalaase xoogan,

Wararka laga helayo dalka Eritrea ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay isku day Afgembi, kaasi oo millatariga dalkaasi ay isku dayeen inay xilka kaga tuuraan madaxweyne Asiase Afwerki.

Inkastoo aanay dawladdu illaa hadda si rasmi ah u xaqiijin warkan, haddana waxaa jirta in mudaharaadyo ay ka dhaceen maanta magaalada caasimadda ah ee Asmara iyo Magaalooyin kale.